Wararka ka imanaya Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay degmadaas.

Saraakiisha Maamulka Gedo ayaa sheegay in ay fashiliyeen Gaari qaraxwaday oo ay sheegeen in ay ka hortageen.

Ismaaciil Cabdi Qorrax oo ka mid ah Maamulka Gobolka Gedo ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Gaari Noah ah oo waday walxaha qarxa ay Ciidamada amaanka qabteen.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada ay joojiyeen Gaariga,markii ninkii waday lagu amray in uu ka degana uu qarxay sidaasna qaraxa ku dhacay.

Al-shabaab ayaa sheegatay in ay weerar Ismiidaamin ah la beegsatay Saldhig Ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin Magaalada Baardheere.

Waxaa ay Al-shabab sheegeen in weerarka Ismiidaaminta ah ay ku dileen 16 ka mid ah Ciidamada Dowladda Itoobiya ee Saldhiggaasi joogay.

Ismaaciil Qorrax ayaa beeniyay sheegashada AL-shabaab,waxaa kale oo uu intaas raaciyay in khasaare nafeed uusan ka dhalan weerarka marka laga reebo dhaawaca labo qof oo rayid ah.

Majirto il ka madaxbanaan oo xaqiijin karta sheegashada labada dhinaca ee kala ah AL-shabaab iyo Maamulka Gobolka Gedo.