Magaalada Paris ee Caasimadda France waxaa ka dhacay qarax weyn sida ay warinayaan warbaahinta qaaradda Europe.

Kooxda dab damiska oo daminaya dabka qabsaday Guriga.

Qarax oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan ayaa sababay dhaawaca dhowr qof iyada oo Kooxaha dab damiska iyo Booliska ay gurmad wadaan.

Kooxda Gurmadka oo wada qof dhaawac ah.

Saraakiil ka mid ah Booliska France ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay Foorno ku taalla Xaafadda 9aad ee Paris.

Walxaha qarxa ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen Jiko Gaas oo ay Foornada lahayd halka dadka qaar ay sheegayana in gaari laga buuxiyay walxaha qarxa uu qarxay.

Kooxda Gurmadka oo qeybta sare ee Guriga jaran jaro u adeegsanaya.

Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya bur bur xoog leh oo soo gaaray isgoyska uu qaraxa ka dhacay iyo dhismayaasha ku dhow.

Haweeney da’ ah oo laga soo badbaadiyay dhismaha sare.

Kooxda Gurmadka deg degga ah ayaa Jaran jaro ku fuurlay dhismayaasha qaar si ay u bad baadiyaya dad ay suuragal tahay in ay ku jiraan dhismaha.

Isha: Daily Mail