Maamulka Puntland ayaa maanta  Maamulka Gobolka Sanaaga ee Somaliland ku wareejiyay Nin lagu magacaabo C/Nuur Maxamuud Maxamed,kaas oo dhawaan Haweeney ku dilay degaanka Ceel  Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Ninkan ayaa markii uu dilka geystay u baxday Magaalada Qardho ee Gobolka Bari halkaas oo uu ku suganyahay sarkaal ka goostay Ciidanka Somaliland oo lagu magacaabo Korneyl Carre.

C/Nuur,ayaa waxaa uu isu dhiibay Jabhadda Korneyl Caarre,waxaana uu Korneylka ku wareejiyay Odayaal ka tirsan Puntland si ay ugu gacan geliyaan Somaliland.

Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Sanaag ee Somaliland ayaa Odayaasha iyo saraakiisha Maamulka Puntland kala wareegay Ninka gacan ku dhiiglaha ah.

Maamullada Somaliland iyo Puntland inkasta oo uu ka dhaxeeyo khilaaf dhinaca dhulka ah haddana waxaa dhowr jeer oo hore dhacday in ay isu celiyeen dhowr qof oo dilal ka geystay labada dhinac.