Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirkan waxaa kasoo qayb galey Maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta,Taliyaha qaybta gobolka Nugaal, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Puntland ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga Puntland Yuusuf Maxaxmed Ismaaciil ayaa ka warbixiyay.

“Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso”ayuu wasiir ku xigeenku.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay wax ka qabanayaan arimaha kufsiga la xariira oo mudooyinkaan dambe ku soo badanaayay deegaanada maamulka Puntland.

“shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabdkiisana waa la arki doonaa Insha Alla, shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono”.