Dowlad Goboleedka Puntland ayaa saaka Magaalada Garowe ka qaadday Qaxooti Itoobiyaan ah oo dalbaday in lagu celiyo dhulkooda.

Qoraal lagu daabacay Bogga Wasaaradda arrimaha gudaha Puntland ayaa lagu sheegay in Dadkan Itoobiyaanka ah oo u badan Oromo ay dalbadeen in dalkooda lagu celiyo.

Waxaa Gaadiidka waaweyn looga qaaday Garowe waxaana la geeyay degaanka Tuur-Dibi oo hoostagta Galdogob dhinaca Ismaamulka Somalidana xigta.

Ciidamada amaanka Puntland ayaa todobaadyadii la soo dhaafay Boosaaso ka waday howlgallo lagu qab qabanayay dadka Tahriibaya iyo kuwa wax tahriibiya,waxaana inta badan ay ahaayeen Oromo.

Howlgallada Boosaaso aya lagu qab qabtay toobiyaan ka badan 3000 oo qof sida ay sheegeen saraakiisha Puntland waxaana lagu celiyay dalkooda.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ma sheegin tirada Itoobiyaanka ah ee saaka laga qaaday Garowe kuwaas oo ay wasaaraddu sheegtay in ay iyagu dalbadeen in la celiyo.