Kooxda PSG ayaa lagu soo waramayaa inay weli ku raad joogto saxiixa goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak oo mudo diirada u saarnaa kooxda reer France.

Goolhayahaan ayaa bandhig wanaagsan ka sameynaya kooxda Atletiko tan iyo markii uu kuso biiray kooxda reer Spain.

Wargeyska France Football ayaa ku waramaya in PSG ay wali ku raad joogto adeega goolhayahaan waxeyna markale kaso gudbiyeen dalab ku kacaya 60-milyan.

26 jirkaan ayaa  Atletico uga soo biiray Benfica sannadkii 2014 wuxuuna ku jiraa waqti qurux badan.