Xidiga dhawaan galka ah ee kooxda Barcelona Philippe Coutinho ayaa si cajiib ah uga hadlay qaab ciyaareedka wiilka cusub ee Barcelona Arthur Melo.

Arthur Melo ayaa qaab ciyaareed cajiib ah kala soo muuqday xili ciyaareedkiisa ugu horeeyay ee kooxda Barcelona, wuxuuna taas badalkeeda amaan xoogan ka helay  shaqsiyaad farabadan waxaana ka mid ah Philippe Coutinho.

Coutinho ayaa ka waramay qaab ciyaaredka uu soo bandhigo kulamada uu ciyaarayo wuxuuna yiri”

“Arthur Melo waa ciyaaryahan cajiib ah, waana ku faraxsanahay inaan la ciyaaro isaga, wuxuu kooxda ka caawiyaa  inay si fiican u ciyaarto”.

“Isagu waa dhaqaajiyaha kooxda, wuxuuna leeyahay tayo sare oo cajiib ah waxaana dhihikaraa waa Xavi-ga cusub ee Barcelona” ayuu yiri Coutinho.