Kadib markii uu soo dhamaaday kulankii Mucjisada ahaa oo Chelsea 6-0 loga badiyay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Tababaraha koxda Man City Pep Guardiola.

Guardiola ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid Mucjiso ah hadiiba ay Chelsea uga badiyeen goolal dhan 6-0.

Waxaa uu yiri”Xaqiiqdii wuxuu ahaa kulan Mucjiso ah oo layaab leh inaad Chelsea 6-0 uga badiso wax sahlan ma ahan balse waa wax kale oo aan ka baraneyno kubada cagta” ayuu yiri Guardiola oo Warbaahinta la hadlay.