Paul Pogba ayaa dalbaday mushaar dhan £ 200,000  hadii uu sii googayo kooxda Manchester United waxaana aad loola xiriiriyay inuu ku biiraayo kooxda Barca.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa la sheegayaa inuu xiiseynayo inuu u dhaqaaqo Barcelona ama kooxdiisii hore ee Juventus ka hor dhamaadka bishaan.

Tababaraha United Jose Mourinho ayay u badan tahay inuu iska iloobi doono heshiiskii uu kula soo wareegi lahaa badalka Pogba.

Wargeyska The Sun ayaa sheegaya inuu dalban doono mushahar ka badan £ 200,000 todobaadkiiba  isaga oo ku sii dhowaanaya ciyaaryahanka ugu mushaharka badan United ee Alexis Sanchez.

Wakiilka Pogba Mino Raiola ayaa hore u sheegay in aysan suurtagal ahayn in la sheego in Pogba uu sii joogi doono Old Trafford dhamaadka suuqa kala iibsiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here