Magaalada Qabri-Dahare ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxaa maanta ka furmay shirka ay leeyihiin Madaxda sare ee Ururka ONLF iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirkan waxaa goob joog ka ah Mas’uuliyiin ka tirsan Dowlad Deegaanka Soomaalida, Dowladda Federaalka Itoobiya, iyo xubno ka socdo uraradii ka dagaallami jiray Itoobiya sida Arbaanyood, Ginbot7, OLF iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Image may contain: one or more people
Shirka Golaha dhexe Jabhada ONLF oo ka kurmay Qabri-Dahare.

Ururka ONLF ayaa lagu wadaa in ay doortaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga ay horraan ku dhawaaqeen..Shirkaan oo ah mid muhiim u ah hormarinta siyaasadeed ee habhada waqtiga dheer dagaalka ku jirtay ayaa sidoo kale waxaa ka soo  qayb galay Ugaasyo, Culimo, Siyaasiyiin iyo qeybaha  kala duwan ee bulshada deegaanka.

Image may contain: 3 people, people sitting and crowd
Wax garadka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Qabri Dahare.

Shirkan oo ah kalfadhigii Golaha Dhexe ee habjahada ayaa socon doona dhowrka bari ee fooda inagu soohaysa waxaana lagu soo dooran doonaa xubnaha Golaha dhexe ee xisbaga.

Waxaana shirkaan noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay ku yeeshaan gudaha dalka tan iyo markii isbaddalku ku dhacay hugaanka Itoobiya oo habhadaan ay dagaalka joojiyeen.

Image may contain: 13 people, people smiling, crowd
Qayhaba ka la duwan ee Bulshada oo shirka ka qeyb gashay.