Tababaraha kooxda Manchester United ayaa ka hadlay isku aadkii la sameeyay ee Champions League-ga iyo isku aadkii ay isku aadeen kooxda reer Spain ee Barcelona.

Waxaa shalay duhur lasameeyay isku aadka wareega 8-da ee Champions League-ga kooxaha isku beegmay waxaa ka mid ah Man United iyo Barcelona oo fuuda isdari doona.

Habada isku aadka kadib waxaa hadlay Tababaraha ku meel gaarka ah ee Man United Ole Gunnar Solskjaer isagoo ka hadlay ku aadkii ay ku aadeen kooxda Barcelona wuxuuna yiri”

“Waa kulan xiiso badan waxaan ku aadnay kooxda Barcelona xaqiiqdii wax cabdi ah kama qabno Barca koox kasta oo naga hor imaado cagta ayaan marin donna xitaa Barcelona waan ogahay waxey heystaan xidigo oo uu ka mid yahay Messi balse inaga kaliya waxaa inoo muhiim san gaarida guul” ayuu hadalkiisa kuso koobay hogaamiyaha Man United oo ka hadlayay Isku aadkii Champions League-ga.