Wasaaradda arrimaha gudaha Dowlad-goboleedka Jubbaland iyo Maamulka degmada Kismaayo ayaa maanta si wadajir ah u dhagax dhigay magaalada Kismaayo xarun xusub oo ay ku shaqeyn doonaan Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Xaruntaan oo ku taalla xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo ayaa noqon doonta mid ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan Odeyaasha dhaqanka Jubbaland.

Image may contain: 1 person, standing
Dhagax dhiga Xarunta ay ku shaqeyn doonaan Odayaasha dhaqanka Jubbaland.

Afhayeen u hadlay Saaldiinta Jubbaland Ugaas Cumar Xiireey ayaa u mahadceliyay Wasaaradda arrimaha gudaha Jubbaland iyo maamulka degmada Kismaayo, wuxuuna sheegay in xaruntaan ay ugu shaqeen doonaan Umadda Soomaaliyed.

Image may contain: one or more people, people standing and outdoor
Odayaashada ka qeyb galay Dhagax dhiga Xarunta.

Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jubbaland Aadan Faarax Gaarane ayaa sheegay in Odeyaasha dhaqanka Jubbaland ay bulshada ugu adeegi doonaan xaruntaan.

Image may contain: one or more people, people standing, hat and outdoor
odayaasha Jubbaland.

Odeyaasha dhaqanka ayaa kaalin muhiim ah kaga jira xalinta khilaafaadka ka dhex dhaca bulshada Soomaaliya.