Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degmada Cabudwaaq ee Gobolka Galguduud ayaa sheegay in aysan ku qanacsaneyn habka uu Wasiirka arrimaha gudaha u wajahay dib u heshiisiinta Beelaha ku dagaallamay Degaanka Kaxandhaale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye oo furay gogal lagu heshiisiinayo Beelo maleeshiyaadkooda ku dagaalamay Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wasaaradda ka miro dhalinta Heshiiskaan.

Qaar kamid ah Odoyaasha Dhaqanka oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Caabudwaaq ayaa sheegay in ay ogol yihiin Wahadalka balse ay dhaliilsan yihiin qaabka ay wax u wado Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Waxa ay ku sababeeyeen arrintaan kadib markii gogasha aan Xaadirin Hogaanka Odoyaasha Dhaqanka sida ay sheegeen, balse Xubnaha Xaldoonka ah ay iska indha saabayaan.

Odoyaasha ayaa dalbaday in Madaxda Dowladda Federaalka ay soo farageliyaan gogosha oo ay sheegeen in lagu beer abuurayo.

Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud waxaa shalay tagay Wafdi isugu jiray Dowladda Federaalka iyo Odoyaal dhaqameed, waxaana saacado kadib Magaalada la dhigay gogol lagu heshiisiinayo dhinacyadii ku dagaalamay Deegaanka Kaxandhaale.