Suldaan Bashiir Muuse oo maanta Boosaaso lagu toogtay.

Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in goordhaw Xaafadda Laanta Hawada lagu toogtay Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo kamid ahaa Isimada Puntalnd.

Kooxda dilka geysatay ayaa Suldaanka toogatay xilli uu ku sugnaa Masjidka Mubaarak ee ku Yaalla Xaafadda Laanta Hawada.

Ilo wareedyo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa Mustaqbal u sheegay in Kooxda dilka geystay oo ku hubeysneed Bastoolad in dilka kadib ay ka baxasdeen Goobta.

Waxaa Suldaan Bashiir Muuse Koonte loola cararay Isbitaal ku yaalla Magaalada Boosaaso, balse kahor inta aan la geyn ayuu geeriyooday sida illo wareedyada ay Mustaqbal u xaqiijiyeen.

Ciidamada Ammaanka oo goobta tagay ayaa xiray Agagaarka halka lagu toogtay Suldaanka, waxaana wararka ay sheegayaan in Jamaacadii Masjidka ay kala dareereen iyaga oo aan tukan Salaadda Jimcaha maadaama dil uu ka dhacay Masjidka.

Suldaan Bashiir Muuse oo ka qaybgalay dib u heshiisiin beello.

Muddo dheer waxa uu Suldaanka ku jiray Howlaha dhexdhexaadinta Beelaha, waxa uu sidoo kale ku jiray Isimada Puntland ee kasoo jeeda Gobolka Bari ee Xaruntiisa Boosaaso Maanta lagu dilay.

Waxa uu ka qayb qaatay kulamo lagu heshiisiinayay beesha uu kasoo jeeda dhexdeeda iyo beelaha Kale oo marar kala duwan xurguf dhexmartay.

Suldaan Bashiir Muuse Koonte oo maanta lagu dilay Boosaaso.