War kasoo baxay Taliska Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay sameeyeen Ciidamadooda lagu soo qabtay hub iyo Walxaha Qarxa.

NISA ayaa sheegtay in Howlgalkooda sidoo kale ay ku soo qabteen Labo Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, sidaasne ay ugu hortageen Weerar Al-Shabaab qorsheynayeen sida lagu yiri warka.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Sabiib Caanoole, xili habeen ahne ay fuliyeen.

Nabad sugidda sooma bandhigin Magaca, sawirka iyo Darajooyinka dadka ay sheegeen in ay ku soo qabteen.

Maalmihii lasoo dhaafay Hay’adda NISA ayaa Barteeda Twitter-ka ku faah-faahineysay Howlgalo gaar ah oo Ciidamadeeda ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho, waxa ayna sheegayeen in ay kusoo qabteen Xubno ka kala tirsan Daacish iyo Al-Shabaab.

Qoraalka Nabad sugidda oo lagu qoray Boggooda Twitter-ka ayaa u qornaa.