Degaanka Xawaadley ee Gobolka Shabeelaha dhexe waxaa wiil uu dhalay ku dilay Nin ka tirsan Kooxda Takfiir .

Qof ka mid ah Dadka degaanka Xawaadley ayaa u sheegay Idaacadda  Mustaqbal in wiilka la dilay oo da’diisu lagu qiyaasay 8 ilaa 9 jir loo dilay Hilib uu ka cunay cid deriskooda ah.

Ninka wiilkiisa dilay ayaa Magaciisa lagu sheegay Axmed Muudeey Jirfey oo ka mid ah Jamaacada Takfiir kana mid ah dadka beeraha ku leh degaankaas.

Jeelle Maxaas oo ka mid ah mas’uuliyiinta degaanka Xawaadley ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Ninka wiilkiisa dilay ee ka tirsan Jamaacada Takfiir uu baxsaday.

Maanta degaakaas waxaa ka dhacay Banaanbax ay dhigeen dadka degaanka oo ay ku diiddanyihiin dilka wiilka yar.

      Wareysi Xawaadley Aabaha Wiilkiisa dilay