Kenan Hussein Kilic oo ah muwaadin Turki ah ayaa dib u helay howlaha shaqo Keliyo loo xiriiriyay, kadib markii ay shaqo joojiyeen kuwiisa 9-sano jirkiisa.

38-jirkaan ayaa ku guul dareystay in lagu guuleysto Qaliin lagu sameeyay isaga oo jira 9-sano, si shaqo loogu qabto Kelyihiina oo shaqada Joojiyay.

Dhaqtarka Isbitaalka Jaamacadda Cusmaan Ghazi ayaa sheegay in dib ay u bilaabeen qaliinka Ninkaan si loogu helo Kelyo u shaqeeya.

Shan Keliye ayuu sheegay in ay u xiriiriyeen, balse hadda mid uun ay la shaqeyso Jirkiisa, waxa uuna tilmaamay in ay ehelkiisa ugu deeqeen.

Hooyadiis, Aisha Dudu Kilic ayaa u hibeeyay Kilyaha si ay ugu shaqeeyaan oo uu ugu soo kabto Wal-walka Kelyo la’aanta ah ee heystay.

Kenan iyo Dhaqaatiirta oo Sawir wadareed galay

Kenan Kilic ayaa isticmaala Telefoonka Gacanta iyo Baraha Bulshada, waxa uuna Dhiiri-gelin ka helaa Qoyskiisa iyo Dhaqaatiirka Kiiskiisa ku heyso, si Niyadiisu ay u wanaagsanaato.

Hussein Kilic waa abaaha Kenan, waxa uu u hibeeyay ama ugu deeqay Kilidiisa oo ugu soo gudbay Marxalad Keli la’aan muddo laga joogo 12-sano.

Qoyska Kenan ayaa Degen Xaafadda Derekarabağ Degmada Bolvadin ee Dalka Turkiga, waxaana lagu daweynayaa Isbitaal ku yaalla Magaalada Eskişehir, waxa uuna garab iyo gacan ka helayaa qoyskiisa.

Kenan oo Telefoon isticmaalaya

Aabe Hussein ayaa sheegay in Wiilkiisa Kenan uu mar qaadan waayay Daawada loo qoray, taasine ay murjisay ehelka, maadaama Muddo dheer ay rajeynayaan dib ugu soo kabashada Xaaladda Caafimaad darro ee wajahday.

“Waxa uu Maray Qalliinkii Saddexaad, waxa uu ku sigtay ama ku dhowaaday geeri, balse si geesinimo leh ayaa loogu guuleystay” Ayuu yiri Aabaha Wiilkaan Dhibanaha ah.

Kenan Hussein Kilic ayaa dhankiisa yiri “Waan ogahay in jirkeyga lagu xiray Shan Keli, Dadka ayaa hadal hayay markii aan isticmaalayay afar Keli, balse tii shanaad ayaa lagu xiray”.

Isaga oo sharaxaad bixiniayay Waxa uu sheegay in uu dareemayo Culeys Kelyaha saaran ee shaqada Joojiyay.

Kenan oo Daawo qaadanaya