Bam gacmeed ayaa Aroose iyo nin saaxiibkiis ahaa ku dilay waqooyiga Magaalada Adis ababa kaddib markii uu ku qarxay Bam uu si sharci darro ah ku heystay.

Aroosaha ayaa heystay Bam-ka waxaana uu soo dhaweeyay Ninkii ka heesi lahaa todobo baxa oo Itoobiya ka ah toban maalmood,waxaana markii uu heesaaga yimid qarxay Mabka.

Aroosadda ayaa ka maqneyd xilliga uu Bamka qarxayay,waxaana halkaas ku dhintay  Aroosihii toban baxa ahaa iyo saaxiibkii heesaaga ahaa.

Taliyaha Booliska  Degmada a Borena ee waqooyiga Adis ababa Nigatu Tameme, ayaa sheegay in Aroosaha uu si sharci darro ah ku heystay Bamkaasi galaaftay noloshiisa.

Aroosaaga geeriyooday ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Maxamed oo 25 jir ahaa iyo heesaaga oo lagu magacaabayay Bogale Sebsibe Abera, oo 24 jir ahaa.