Cabdi Kiina Cali Xasan oo 16 jir Soomaali ah ayaa ka mid ahaa dadkii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday Masaajidka Linwood ee dalka New Zealand.

Cabdi waxaa uu sheegay in Masaajidka uu ku wajahnaa weerarka ka hor laakiin shaqo looga wacay halkaasna ku maqnaa markii uu weerarka dhacayay.

Waxaa uu sheegay in Aabihii iyo Walaalkii ay Masaajidka aadeen sidoo kalena Hooyadiis aadday Masaajid kale.

Cabdi Kiina ayaa Warbaahinta NewZealand u sheegay in mar kale uusan ku dukaneyn Masaajidka,isaga oo ka baqaya in ay soo laabato tii jimcihii djacday oo kale.

Hooyadiis Dahabo Nuur Cali ayaa sheegtay in ay aragtay labo ka mid ah saaxiibadeed oo lagu hortooganayo wiilkeeda oo ka mid ahaa dadkii ku dukanayay Masaajidka Linwood.

Cabdi waxaa uu sheegay in Hooyadiis ay nabad darteed u tagtay New Zealand waxa dhacayna aysan ahayn wax ay ka filayeen dalka ay nabadda u tageen.