Kooxda Napoli ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso goolhayaha Liverpool Simon Mignolet.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Belgian, kaasoo ka mid ahaa ciyaartoydii ugu dambeysay ee Reds ee ka soo laabatay fasaxii Koobka Adduunka, ayaa horaanba lala xiriiriyay Barcelona iyo Besiktas xagaagaan.

Sida ay qortay jariirada Daily Mail, kooxda Serie A ka dhisan ee Napoli ayaa ah kooxdii ugu dambeysay oo ay isku daydo inay tijaabiso Mignolet, kaasoo haatan ah xidig xor uga tagi karo Anfield.

Wargeyska ayaa sheegaya in Mignolet uusan ku faraxsaneyn in kooxda uu yimaado Alisson Becker kaas oo mugdi galiyay mustaqbalkiisa Anfil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here