Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa xalay lagu dilay nabaddoon C/Qani Maxamed Cabdi Balle oo ka mid ahaa waxgaradka Gobolka Mudug.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay qeybta waqooyi ee Magaalada Gaalkacyo,waxaana nabaddoonka toogashada u geystay Rag Baskoolado watay.

Sidoo kale Nabaddoonka la dilay waxaa la socday wiil uu dhalay,waxaana weerarkaas ka soo gaaray dhaawac.

Maamulka Magaalada Gaalkacyo qeybta Puntland ayaa sheegay in ay baarayaan dilka loo geystay Nabaddoon C/Qani Maxamed Cabdi Balle .

Magaalada Gaalkacyo waxaa ay ka mid tahay meelaha ay toogashada ka geystaan Kooxaha hubeysan iyada oo magaalada ay ka howlgalaan Ciidamo isku dhaf ah oo ka kala socda Puntland iyo Galmudug.