Nabadda Jubbaland ayaa sheegtay in ay gacanta ku soo dhigtay walxaha Qarxa oo ay dhigeen Al-Shabaab, kuwaas oo ay doonayeen in ay ku qarxiyaan Ciiddamada.

Waxa ay sheegeen in illaa Afar Miino ay soo saareen, kadib howlgal ay ka sameeyeen inta u dhaxeysa Deegaanada dhaca duleedka Kismaayo Muuse Xaaji iyo Araare.

“Ciidanka Dowlad Goboleedka Jubbaland gaar ahaan kuwa u tababaran ka hortaga walxaha Qarxa ayaa maanta miinooyinkan gaaraya Afarta ka soo saaray inta u dhaxeysa Muuse Xaaji iyo Araare, wali waxaa socda hawlgallo ballaaran oo lagu sifeynayo deeganada Argagixisadda awoodooda waxay ku soo koobantay adeegsiga walxaha Qarxa” ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay Bogga Facebooka ee Nabadsugidda Jubbaland.

Nabad Sugida Jubaland ma sheegin in ay jiraan Dad ay kusoo qabteen howlgalka ay Miinooyinkan kusoo saareen.

Waxaana Deegaanadaan ay martigeliyeen maalmihii lasoo dhaafay Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, Mararka qaar waxaa ka dhacayay Duqeymo ay geysanayaan Diyaaradaha Mareykanka.