Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa manta Magaalada Galkacyo kula kulmay Maamulka Gobolka Mudug Saraakiisha amaanka Magaalada Galkacyo iyo Maamulka Degmada Galkacyo waxaana goobjoog ahaa kulankan wasaarada Maaliyada Galmudug iyo wasaarada Amniga Galmudug.

Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay Amniga Magaalada Galkacyo iyo sidii Canshuur looga qaali lahaa ganacsatada deegaanada Galmudug gaar ahaan Magaalada Galkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa warbixino ka dhageystay Gudoomiyaha Gobolka Mudug iyo Duqa Magaalada Galkacyo waxa ayna uga warbixiyeen waxyaabihii u qabsoomay,iyo Caqabadaha hortaagan.

ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa amray in Canshuurta la qaado lagu shubo Wasaarada Maaliyada Galmudug waxa uuna shacabka Magaalada Galkacyo ka codsaday in ay Canshuuraha dhiibaan lana shaqeeyaan laamaha Amaanka iyo Maamulka Degmada.
