Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xadhigga ka jaray saddex wiish oo cusub looguna talo-galay rarka iyo dejinta badeecadaha kala duwan ee dekedda Berbera ka dhoofaya iyo kuwa ka degayaba.

Wiishashka cusub ee loo keenay dekedda Berbera ayaa Xaddiga qaadistoodu dhantahay 120 tone (Boqol iyo labaatan tan), qiimahooduna dhan yahay 12 milyan (Laba iyo Toban milyan) oo dollar, ayaa munaasibad kooban oo xarigga looga jaray waxa Madaxweynaha kala qaybgalay Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha maxkamadda sare, Aadan Xaaji Cali, Maareeyaha dekedaha, Siciid Xasan Cabdulaahi, iyo Madaxda shirkadda DP World.

Image may contain: sky, cloud and outdoor
Wiishasha maanta Xariga lag Jaray ee Dakada Barbara.

Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna ayaa Sheegay  in ay ka shirkad ahaan si weyn xil iskaga saareen casriyeynta dekedda Berbera iyo sidii ay dekeddu u noqon lahayd mid casri ah oo la tartanta dekedaha deriska, islarkaana ay ku hawlan yihiin ballaadhinteeda iyo horumarinteedaba.

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing
Xaflada Xariga looga jarayay Wiishash ka Cusub ee Dakada Bar bara.

Madaxweyne Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa ka hadlay horumarada iyo mashaariicda kala duwan ee muddooyinkan dambe ka hirgalay Berbera iyo kuwa bulshada deriskaba, waxana isaga oo arrintaas ka hadlaya uu yiri.

Image may contain: one or more people
Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Maanta waa taariikh nool oo aynnu joogno in dekeddii la ballaadhinayo, in ummadda oo dhammi Berbera soo higsanayso iyo inay Berbera tahay iftiin Afrika oo dhan ka muuqda, saddex cisho ka hor waxa laga furay wershad Baatroolka sifaysa, maantana waxa laga furayaa wiishashka tiradaas le’eg iyo kuwa soo socda.”

Image may contain: 1 person, suit
Madaxweyne-ku-xigeenka shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Berbera, Mr. Suhail Al-banna

Dhanka kale Muuse Biixi Cabdi waxa uu kormeer kooban ku sameeyey dekedda cusub ee shirkadda DP World ka waddo Berbera oo cabbirkeedu dhan yahay 400M waxana soo indha indheeyay shaqooyinka kala duwan ee dekeddaas lagu dhisayo.

Image may contain: 10 people, people smiling, people standing and suit
Madaxweynaha Somaliland oo kurmeeray Dakad Cusub ee ay DP world ka dhisayso Barbara.