Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay sidiii ay Al-shabaab uga dulqaadi lahaayeen dadka Soomaaliyeed iyo deegaanada ay Maamulaan, arritaasna ay Dowladdu ka leedahay qorshe cad oo muddo la diyaarinayey.

Madaxweynaha ayaa Xusay in Ciidanka Soomaaliyeed hada kadib loo tababarayo qaabka gaar ah oo ay ula dagaallamaan ururka Al-shabaab, wuxuuna Madaxweynuhu Tilmaamay in ay ciidamadaasi muddo yar oo kooban ka adkaanayaan Al-shabaab marka loo dhammeeyo tababaradaasi.

Dowladdu qorshe cad ayay ka leedahay ciidamada xoogga dalka, waxaana ka mid ah in la tira-koobo ciidamada, isla markaaana ay ka shaqeeyaan sidii ay dalka uga xoreyn lahaayeen Al-shabaab oo ah cadowgeenna,” sidaas yiri Madaxweyne Farmaajo

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata sheegay in ay ka go’an tahay in ay ogaadaan tirada guud ee ciidamada xoogga dalka, taasoo uu sheegay inay ku ogaan karaan in ciidamada dowladda ay saxan yihiin iyo in kale.

“Sababta aan ku doonayno inaan tira-koobka ciidamadan ku ogaanno ayaa ah in aan joogtayno bixinta xuquuqda ciidamada haba yaraadaane, waayo tani waa is-bedel, dadkuna isbedel ma jecla,” ayuu yiri Farmaajo

Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa hadalkan khamiistii shalay ka sheegay Munaasabadda 12 April ee xuska sannad guuradii 59-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

April-12-2017, April-12-2018 iyo April-12-2019, waxa uu madaxweyne Farmaajo kala qaybgalay xusaska 3 sanadguuro saddex Wasiir gaashaandhig iyo saddex taliye ciidan, taas oo lagayaabo in ay muujiso xasilooni la’aa dhinaca madaxda iyo wasaaradaha qaabilsan nabadgelyada qaranka