Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo waxaa ka taagan xiisad u dhaxeysa labo malleeshiyo beeleed oo isku heysta Maamulka Magaalada.

Arrintan waxaa ay ka dhalatay kaddib markii maamulkii hore ee Baardheere iyo maamulka Jubaland ay isku dhaceen.

Maamulka Jubaland ayaa xilka qaadis ku sameeyay Guddoomiyihii hore ee Baardheer oo lagu magacaabo Caddow,waxaana uu ku beddelay ku xigeenkiisii oo lagu magacaabo Koofi.

Maamulka Jubaland iyo Caddow ayaa dib ka heshiiyay,waxaana Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan uu shalay dib u magacaabay Caddow.

Arrintaas waxaa ay dhalisay in Beesha uu ka soo jeedo Koofi ay diidaan in ay wareejiyaan xilka Guddoomiyaha Degmada,waxaana xaruntii Maamulka ee Baardheere saaka la wareegay Malleeshiyo taabacsan Koofi.

Madaxweyne ku xigeenka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan oo magacaabistan sameeyay ayaa wali ku sugan Magaalada Baardhere,waxaana dadka Magaalada deggan u dhegtaagayaan halka uu xaalka ku dambeyn doono.