Wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland ayaa xilalkii looga qaaday Wasiirradii Warfaafinta iyo Gaashaandhigga ee Somaliland.

Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle oo ahaa Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xilka laga qaaday,waxaana lagu beddelay Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga.

Halka  Maxamed Muuse Diiriye Wacays loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka, waxaana xilkaas laga qaaday Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo.

Sidoo kale wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Somaliland ayaa lagu magacaabay, Wasiir ku xigeenno, Agaasimayaal iyo Guddoomiyayaal Gobol ,waxaana ka mid ah;

1. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

2. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

3. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda

4. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

5. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

6. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

7. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha

8. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka

9. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

10. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

11. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

12. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

13. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya

14. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer