Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa u safraya Magaalada Dubai ee Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Muuse ayaa waxaa uu Dubai kula kulmayaa madaxda ka tirsan Dowladda Imaaraadka Carabta oo xiriir dhow la leh maamulkaas.

Imaaraadka waxaa uu degaannada Somaliland ka wadaa mashaariic waa weyn oo ay ka mid tahay dekadda Magaalada Berbera iyo dhismaha Garoon Milatari oo laga dhisayo duleedka Berbera.

Safarka Muuse Biixi ee Imaaraadka ayaa ah kii ugu horreeyay ee uu ku tago dalkaasi tan iyo doorashadiisii labo Sano ka hor.

Sidoo kale waa safarkii 3aad oo uu meel ka baxsan Somaliland ku tago,waxaana uu labo todobaad ka hor ku tagay Caasimadda Itoobiya ee Adis ababa, waxaa ka sii horreeyay safar uu ku tagay Dalka Jabuuti.