Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa magaalada Hargeysa kula kulmay Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo ay raadineyso Dowladda Jabuuti.

Guddi Ganacsatada Somaliland ka mid ah ayaa ku guuleystay in ay is hor fariisiyaan labada Nin,waxaana lagu heshiiyay labo qodob oo kala ah in la joojiyo dacwadda Somaliland ay ku dooneyso in Ganacsadaha Maxkamad lagu soo taago.

Waxaa kale oo lagu heshiiyay in la dejiyo xaaladda ka dhalatay dacwadda ay Jabuuti u gudbisay Somaliland ee ay ku dooneyso on Ninkaasi lagu xiro.

Doodda Ganacsade Axmed ayaa xaalad halis ah isu beddeshay markii Beesha uu ka dhashay ay sheegtay in aysan suuragal ahayn in Somaliland ay Ganacsadaha ku wareejiyo dowladda Jabuuti.

Ganacsade Axmed ayaa loo heystaa in uu lacag Malaayiin doollar ah kala baxsaday Bangi laga leeyahay France oo ku yaalla Jabuuti, waxaa sidoo kale Sharikad uu isaga lahaa oo ka diiwaangashan Jabuuti la wareegtay dowladda Jabuuti.