Madaxweynah Maamulka Somaliland ayaa isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirrada maamulkaas,waxaana uu magacaabay Wasiirro cuusb.

Wasiirrada xilkooda ku waayay waxaa ka mid ah; Cawaale Ibraahim Shirwac Looddoon Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta,waxaana lagu beddelay Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin).

Sidoo kale waxaa uu magacaabay Wasiirka Caafimaadka,waxaana ku soo baxay, Cumar Cali Cabdillaahi Bade Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, kaddib markii uu is casilay Wasiirkii hayay wasaaraddaas.

Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax ayaa loo magacaabay in uu noqdo Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Axmed Xasan Cigaal Sahal, ayaa laga qaaday xilka Wakiilka Somaliland ee Itoobiya,waxaana lagu beddelay Salaan Xasan Kayd Cabdille.