Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa cafis u fidiyay sarkaal ka tirsan Booliska Somaliland oo maxkamadi 10 Sano ku xukuntay.

Muuse ayaa shalay Magaalada Hargeysa kula kulmay Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Bariga Somaliland,kuwaas oo waayadii dambe dhaliilsanaa hab maamulka Muuse Biixi.

Markii uu kulanka dhamaaday ayuu ku wargeliyay Odayaasha in uu cafiyay sarkaalka ka tirsan Booliska ee Xabsiga tobanka sano ah ku xukuntay Maxkamadda Magaalada Hargeysa.

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Axmed Cadib ayaa toban Sano lagu xukumay kaddib markii ay Maxkamadda Hargeysa ku heshay in uu qeyb ka qaatay shaqaaqo dhexmartay labo malleeshiyo beeleed.