Sida ay Mustaqbal Radio u sheegeen ilo wareed kusugan deegaanka Gelinsoor ee gobolka waxaa baaqaday munaasabad uu wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya kula wareegi lahaa laba Askari oo Itoobiyaan ah oo lagu qabtay dagaal todobaadkii hore kadhacay deegaanka Kaxandhaale ee gobolka Galgaduud.

Dagaalkan oo u dhexeeyey beela wada dega gobolka oo daaq iyo dhul isku hayey ayaa qayb kamid ah ciidanka Itoobiya oo fadhiisinka ku leh meel u dhow Kaxandhaale waxa ay kaqaybgaleen dagaalka.

Labada Askari ee Itoobiyaanka ah midkood ayaa u sheegay dadkii la kulmay in xog been ah oo loo sheegay awgeed ay uga qaybgaleen dagaalka, waxa ay sheegeen in lagu wargeliyey in Alshabaab ay weerarayaan dalkooda oo dagaalka ay dhinac kayihiin sidaas awgeedna ay u galeen dagaalka.

Kherow Cabdi Sheekh, Taliye Koox Itoobiyaan ah.

Diyaarad kuwa Qummaatiga u kaca ah (Helicopter) oo qaadi lahayd labada Askari ayaa kacday iyada oo aan qaadin labada Askari ee Maxbuuska ah kaddib buuq iyo ismariwaa kusaabsan wareejinta Askartan.

Askariga 2aad oo aqoonsigiisu Af Itoobiyaan ku wada qoranyahay.

Wasiirk Arrimaha gudaha Eng Cabdi Maxamed Sebriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa ka baxay Gelinsoor isaga oo kuwajahan Cadaado, wafdiga ayaa loo diiday in lagu wareejiyo laba Akari oo kamid ah kuwa Itoobiya oo kaqaybgalay dagaalka Beelaha u dhexeeye ee kadhacay Kaxandhaale

Wararka aan kahelnay gobolka ayaa sheegaya in madaxweyne goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu ka biyo diiday in xukuumadda Federalka loo dhiibo Askartan.

Mustaqbal Radio

Gelinsoor