Tababaraha Manchester United ayaa isku daygii ugu danbeeyay u galaya sidii uu ku soo qaadan lahaa laacibka Inter Milan iyo xulka Croatia ee Ivan Perisic.

TuttoSport ayaa daaha ka qaaday in Manchester United ay la kulantay wakiilka Ivan Perisic, wuxuuna u sheegay in laacibku uu diyaar u yahay inuu u dhaqaaqo Old Trafford.

Manchester United ayaa diyaar u ah inay isku darto Matteo Darmian iyo 70 milyan oo euro si ay ugu qanciso Inter Milan iibka Ivan Perisic.

29 jirkaan ayaa laf dhabar u ah kooxda Inter Milan, sidoo kale muhiim ayuu u ahaa xiddigaha xulkiisa ee gaaray Final-kii koobka adduunka.