Sergej Milinkovic-Savic ayaa lagu soo waramayaa inuu qandaraas cusub u saxiixi doono kooxda Lazio ka hor dhamaadka bishaan.

Xidigan ayaa dhaliyay 14 gool, wuxuuna caawiye ka ahaa 9-gool xilli ciyaareedkii 2017-18 oo uu la qaatay Lazio, iyadoo uu xidiga dalabyo kala duwan ka helay kooxo badan oo ay ka mid yihiin Manchester United iyo Real Madrid.

Bishii hore, madaxweynaha Lazio Claudio Lotito ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe uu yahay xidiga ugu fiican kooxdisa isagoo soo jeediyay inaysan ku iibineynin wax ka yar 100 milyan oo ginni.

Sida laga soo xigtay wargeyska Gazzetta dello Sport, laacibkan ayaa hada aqbalay inuu qalinka ku duugo heshiis cusub oo uu u saxiixayo kooxdiisa Lazio.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here