Milatariga Dalka Malta ayaa sheegay in maanta oo khamiis ah ay u suuragashay in ay gacanta ku dhigaan Markab shidaal waday oo shalay gelinkii dambe gacanta u galay Tahriibayaal.

Markabka oo Saliid ka qaaday Xeebaha Liibiya ayaa bad baadiyay 120 qof oo ay ka qallibantay Doontii ay la socdeen.

Kabtanka Markabka ayaa sheegay Tahriibayaasha in uu geynayo Liibiya, markii uu sidaas yiri ayey Tahriibayaashii la wareegeen Markabka iyaga oo ku qasbay in uu geeyo Dalka Malta.

Saraakiisha Milatariga Malta ayaa sheegaya in hadda Markabka iyo shaqaalihiisa ay badqabaan Tahriibayaashana lagu wareejinayo booliska Dlaka Malta si baaritaan loogu sameeyo.

Wasiirka arrimaha gidaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa sheegay in falka Tahriibayaasha ay ku afduubteen Markabka iyaga badbaadiyay uu yahay fal burcad Badeed kii ugu horreeyay oo ka dhacay Xeebaha Europe.