Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday Labo xiddigle ka tirsanaa Ciidanka xoogga Dalka.

Ex, laba xiddigle; Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud),

Askariga xukunka dilka ah lagu riday ayaa lagu magaacaabaa Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Kumbud),waxaana uu 21kii Bishii September 2018 dil u geystay Marxuum Dayax Iimaan Xasan .

Marxuum Dayax Iimaan Xasan .

Dilkaas ayaa ka dhacay waddada Seybiyaano ee maagaalada Muqdisho,xilligaas oo ahayd JJimco aadna waddada mashquul u ahayd.

Gaariga uu watay xilliga la dilayay Marxuumka.

Maxkamadda ayaa sheegtay in Askariga uu dilka geystay isaga oo doonayay in uu Rasaasta ku furo waddada Beerta Qaadka oo ciriiri badan uu ka jiray.

Dhegeysiga eedeysanaha kaddib Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa xukun dil ah ku riday Askariga,waxaana uu sheegay in  xukunka uu racfaan ka qaadan karo.