Bidix:Cabdinaasir Shidde Cali, waa arday barta cilmiga caafimaadka, waxa uu is barbar dhigayaa Bakteeriyada Normal Flora iyo Qabiilka, Axmed Cabsiiye ayuu u warramay,

Cabdinaasir Shidde Cali oo ah arday barta cilmiga dhaqtarnimada (Medicine) kuna nool magaalada Muqdisho; ayaa dhowaan helay isu ekaansho ka dhaxeeya Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

Waxa uu helay in marka ay xaaladdu caadi tahay ay qabiilka iyo Bakteeriyadu u shaqeeyaan si wanaagsan, isuna egyihiin, balse marka ay xaaladdu caadiga ka baxdo Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora ayaa isku si u shaqeeya isuna ekaada.

Waxa uu Cabdinaasir sheegayaa in haddii ay Bakteeriyada Normal Flora ay tusaale ahaan ka baxdo ama ka guurto meeshii ay uga noolayd jirka waxa dhacaya khatar caafimaad oo soo wajahda qofka, sidaas oo kalana haddii uu hoos u dhaco difaaca qofku waxa ay isu rogtaa fursad-gaad, waxa ayna sababtaa xannuun sababa khatar kale oo caafimaad, dhinaca kale haddii Qabiilka oo loogu talagalay isbarashada iyo isu kaalmeynta wixii wanaag ah uu soo dhaafo halkaas oo maamulka iyo dowlada la dhex keeno waxa uu sababayaa halis dhinaca nabadgelyada iyo jiritaanka dalka soo wajahda sida maanta taagan.

Haddii dowladda iyo kala dambeyntu ay meesha ka baxaan qabiilku waxa uu isku dayayaa in uu kaalintaas buuxiyo, taasna waxa ay keeneysaa in dhammaan qabaailku isqabsadaan oo dagaalamaan ama ay ku tartamaan awoodda sida Bakteeriyada Normal Flora u sameyso dhibka marka uu difaaca jirku hoos u dhaco!

Haddaba waxa uu nooga warramay  sida ay isugu egyihiin Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!
Halkan kadaawo muuqaalka Cabdinaasir Shidde Cali oo ka hadlaya xiriir uu u sameeyey Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

Cabdinaasir Shidde Cali oo ah arday barta cilmiga dhaqtarnimada (Medicine) kuna nool magaalada Muqdisho; ayaa dhowaan helay isu ekaansho ka dhaxeeya Qabyaaladda iyo Bakteeriyada Normal Flora!

Posted by Mustaqbal Radio on Thursday, 9 August 2018