Sawirkan waxaa la qaaday xilli habeen ah magaalada Muqdisho

Isgoysyada iyo Jidadka waaweyn ee magaalada Muqdisho  oo  muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo socdaalka dadweynaha ayaa xiran, sidaas awgeed waxaa jira saxmad iyo ciriiri badan oo ay gaadiidka iyo dadweynuhuba ka cabayaan.

Waxa jira faahfaahin kalagedisan oo kusaabsan sababta ay waddooyinku u xiran yihiin, tusaale ahaan wararka qaarkood ayaa sheegaya in qabanqaabada xuska maalinta 20ka December ee Booliiska loo xiray jidadka Muqdisho, si loo diyaariyo munaasabadda xuska sanadguurada 75aad ee ka so wareegtay Aasaaska Booliiska Soomaaliyeed.

Waxa kale oo jirta sabab kale oo Mustaqbal Radio ay u sheegeen ilo kaladuwan taas oo ah  in maanta waddooyinka Muqdisho loo xiray si loo baajiyo xus Baroordiiq ah oo uu C/Raxmaan C/Shakuur Warsame ku qaban lahaa Hotelka City Palace ee Muqdisho.

Ilo kala duwan ayaa xaqiijiyay in Gaadiidka dagaalka la geeyay Hotelka City Palace oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde,halkaas oo Xisbiga Wadajir uu u qorsheeyay in uu ku qabto baroordiiqda 5 Qof oo ku geeriyooday weerar sanadkii hore maanta oo kale lagu qaaday xarunta xisbiga Wadajir.

Kamaal Guutaale oo kamid ah saraakiisha xisbiga Wadair ayaa u xaqiijiyay  Mustaqbal in maanta waddooyinka loo xiray si loo baajiyo xuska sanadguurada ay weerarkii lagu qaaday xarunta xisbiga.

C/Raxmaan C/Shakuur ayaa 2016 waxa uu u tartamay xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya balse waxa uu kamid noqday mushariixin badan oo xilkaas looga guuleystay, kaddin dhismaha xisbiga Wadajir waxa uu billaabay olole weyn oo kusaabsan in uu qaato kaalinta xisbi mucaarad ah oo si adag u naqdiya siyaasadda xukuumadda Soomaaliya.

Mustaqbal Radio