Guddoomiyihii Bangiga Adduunka Jim Yong Kim, ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkaas kaddib muddo uu hoggaan u ahaa Bangiga.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxya is casilaaddiisa iyada oo warbaahinta Caalamka ay qorneyso in Mr Jim uu doonayo in uu Ganacsade noqdo.

Mr Kim, 59 jir ah ayaa xilkiisa ku ekaa 2022,waxaana markii 2aad dib loo doortay sanadkii 2017kii isaga oo waqtigiisa 2aad ka maraya sanadka 2aad ayuuna is casilay.

Is casilaaddiisa kuma sheegin sababta ku kalliftay,waxaase soo baxaya in uu ku biirayo sharikad kuwa Maalgashiga ah.

Kristalina Georgieva, oo ah Madaxa Guddiga fulinta ee Bangiga Adduunka ayaa sii wada shaqada inta laga dooranayo Madaxweyne cusub oo uu yeesho Bangiga.