Adeegga Internetka ee 5G ayaa dhawaan soo galaya suuqda Waddamada Horumaray,waxaana lagu billaabayaa adeegsi.

Maxaa laga wadaa 5G?

5G,waa Adeeg Internet oo mobile ah,xawaare sare leh sidoo kalena micdna ahaan noqonaya jiilka 5aad,waxaa uu si rasmi ah suuqyada u soo gali doonaa billowga Sanadka cusub ee 2019.

Waxaa uu 10 ilaa 20 jeer ka xawaare dheereeyaa Internetka ugu muhiimsan hadda ee 4G iyo kuwa kale ee Internetyada kale ah.

Muxuu kuu awoodi doonaa?

5G,waxaa uu awoodaa in ay ku wada xiriiraan Robot-yada,qalliinadana lagu sameeyo.

“meel kasta oo aan joogno waxaan ku heysannaa taleefannada casriga ah, waxaana uu leeyahay xawaare sare”, ayey tiri Ian Fog goo ka mid ah OpenSignal.

Gaadiidka aan wada yaasha lahayn ayaa awooda in ay ku wada xiriiraan si aanay shil u gelin.

Gaadiidka aan wadayaasha lahayn ayaa awoodi doona in ay iskula hadlaan,sidoo kale Nidaamyada Taraafikada ayaa adeegsan doono,waxaa uu muhiim u noqonayaa Gaadiidka iswada oo iyaga ku wada xiriiri kara si aanay shil u gelin.

Siduu u shaqeeyaa 5G?

Waxaa jira tiro Tignolojiyado cusub ah,oo ku shaqeyn doona 5G,laakiin xeerarka ayaan meesha laga saari Karin, gaar ahaanna xeerarka adeegsiga 5G,waxaa ay ka duwanyihiin kuwii ka horreeyay sida 2G,3 G iyo 4G.

Maka duwanyahay 4G?.

10 ilaa 20 jeer ayuu ka xawaare dheereeyaa Adeegga ka horreeyay ee 4G.

Haa,waa nooc Raadiye cusub oo Tignolojiyadda ah,inta badan 5G waxaa adeegsan doona Shabakada isku xiran,sababta oo ah waxaa uu leeyahay Internet  ku filan,waxaana lagu filin karaa shaqooyin waaweyn oo hoos ku xusan.

Maka xawaare badan yahay 4G?

Haa,Internetka ugu xawaaraha badan ee ugu wanaagsan Hadda waa 4G,waxaana uu awoodaa in ilbiriqsigiiba uu dhaqaajiyo 45Mps,waxaase la rajeynayaa in la gaarsiiyo 1GB,laakiin 5G 10 jeer ama 20 jeer ayuu ku jibbaarmayaa 4G.

China ayaa u adeegsan donta 5G,baahinta muuqaallada Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ay ku xiranyihiin Kaamiroonyinka wax ka duuba 360 Digree.

Goorma ayaa la helayaa 5G?.

Inta badan Waddamada Caalamka ma heli doonaan ka hor sanadka 2020ka,hayeeshee waddamo yar ayaa  helaya,Dalka Qadar waxaa ay sheegayaan in ay billowday sharikadda Ganacsiga ee Ooredoo,Koofurta Kuuriya 2019 ayey sheegtay in ay adeegsigiisa billaabeyso, sidoo kale China ayaa sheegtay in iyana ay adeegsiga 5G billaabeyso sanadka soo socda ee 2019 billowgiisa.

Ma u baanaysaa Taleefan cusub?

Taleefannada Caaqilka ah waxaa ay u baahan doonaan Ship,si ay u helaan adeegga 5G.

Haa, laakiin markii 2009/2010 la soo saaray 4G, taleefannada Caaqilka ah ayaa suuqa uga soo horreeyay,taas oo walaac badan ku abuurtay Rukunka qaarkiisa ee aan heysan taleefannadaas, Taleefannada caaqilka ah waxaa ay u baahan doonaan Fiilooyin Kompuutarro si ay u helaan adeegga 5G.

Ian Fogg, waxaa ay leedahay kuwa Taleefannada sameeya si aanay qaladkii hore oo kale u gelin waxaa loo baahan yahay in ay sameeyaan Taleefan Caaqil ah oo 4G looga beddelan karo 5G ka hor sanadka 2019ka.

Reer Miyigu ma heli doonaan 5G?

uma badna in waqtiga dhow Reer Miyigu ka faa’ideysan doonaan 5G.

Xaraaradda oo yar iyo xawaaraha xogta darteed Reer Miyigu waa ay ku adag tahay in ay hadda helaan Internet,laakiin adeegga 5G  shaqo kuma laha waxaas oo dhan,mana saameynayaan,waxaana 5G noqon karaa mid Reer Miyiga adeegsan karaan.

Xigasho: BBC Technology

W/Turjumay: Adam Ibrahim Farah (Showqi).

Mustaqbal Radio.