Ma rumeysan kartaa in Furriin ay sameeyeen lamaane kaliya ku kacay $3.bbilyan oo doollarka Mareykanka ah?

Xaflado aroos oo farabadan laguna bixiyay qarash iyo Hanti badan ayaa ku dhamaada hab niyad jab iyo calaadin ah.

Arrintan waxaa ay inta badan ka dhex dhacdaa qoysaska Ladan ama lamaanaha isku doorta Hantida wadata magaca sare,waxaana halkan ku soo gudbineynaa 10ka Fuuriin ee ugu qaalisan Caalamka.

  1. Bob Johnson iyo Sheila Crump Johnson, waxaa ay kala tageen sanadkii 2002 , Sheila ayaa heshay Lacag dhan $400 Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
rupert murdoch anna torv
Bob Johnson iyo Sheila Crump Johnson,

Bob Johnson,waa Wariye Caan ah kana shaqeynayay Telefishan,waxaa ay Gabadhan isguursadeen Snaadkii 1969kii,waxaana ay kala tageen sanadkii 2002dii.

2000dii ayey noqdeen Afrikaan Ameerikaankii ugu horreeyay ee Bilyaneerro noqda,sidaas ayeyna ku kala tageen.

  1. Mel Gibson iyo Robyn Moore, 2006 , $425 million
Mel Gibson iyo Robyn Moore

Furriinka ama kala tagga Mel Gibson  iyo  Robyn Moore, ayaa noqday kii ugu qaalisanaa ee ka dhex dhaca Akatarrada Hollywoodka.

Lacagta ay qaadatay Gabadha waxaa ay ahayd kala bar hantida uu lahaa Aktarka.

8- Craig McCaw iyo  Wendy McCaw, 1997 — $460 million

9. Mel Gibson and Robyn Moore, 2006 — $425 million
Craig McCaw iyo  Wendy McCaw

Craig McCaw oo ah Ninka iska leg sharikad Taleefananda sameysa iyo  Wendy McCaw, oo ah Wariye Wargey wax ku qorta ayaa kala tagay Sanadkii 1997dii,waxaana ay furriinkeeda ku heshay lacag dhan $460 Milyan.

  1. Dmitry Rybolovlev iyo Elena Rybolovlev, 2014 — $604 million
7. Dmitry Rybolovlev and Elena Rybolovlev, 2014 — $604 million
Dmitry Rybolovlev iyo Elena Rybolovlev

Elena Rybolovleva ayaa dacwad furriin ka gudbisay maalqabeenka Reer Ruush ee Dmitry Rybolovlev,maxkamadda ayaa Elena u xukuntay $4.5 Bilyan oo dollar laakiin racfaan uu ka qaatay xukunkaas ayuu maxkamaddii 2aad oggolaaday bixinta $604Milyan

  1. Adnan Khashoggi iyo Soraya Khashoggi, 1980 — $874 million
6. Adnan Khashoggi and Soraya Khashoggi, 1980 — $874 million
Adnan Khashoggi iyo Soraya Khashoggi,

Sanadkii 1961, Ganacsadaha Hubka ka ganavsan jiray ee Reer Sucuudi Adnan Khashoggi ayaa guursaday Gabadha reer Bretain ee  Sandra Daly, oo markii dambe Diinta Islaamka qaadataya lana baxday magaca  Soraya.

Lamaanahan, waxaa ay lahaayeen  17 Guri, Saddex Diyaaradood  iyo Saddex Markab oo kuwa raaxada ah.

Soraya markii ay kala tagayeen waxaa loo xukumay lacagdhan  $874 Milyan oo u dhiganta $2Bilyan oo dollar oo maanta ah.

  1. Harold Hamm iyo Sue Ann Arnall, 2012 — $975 million
5. Harold Hamm and Sue Ann Arnall, 2012 — $975 million
Harold Hamm iyo Sue Ann Arnall

Harold Hamm oo ah nin ka hodmay Saliidda iyo xaaskiisa Sue Ann Arnall eayaa kala taggoodu ka dhashay Check lacageed oo ay ku qorneyd  $974.8 Milyan,

Sue waxaa ay diidday in Check ay ku wareejiso Maxkamadda inkasta oo ay muddo dheer diideysay kaddib 2015kii ayey ku shubtay Bankiga,waxaana loo xukumay lacagtaas.

  1. Steve iyo Elaine Wynn, 2010 — $1 billion
4. Steve and Elaine Wynn, 2010 — $1 billion
Steve iyo Elaine Wynn

Lamaanaha Steve iyo  Elaine Wynn,waxaa ay is guursadeen labo jeer oo kala ah 1963ii ilaa 1986dii mar kale ayey isguursadeen 1991dii,waxana ay kala tageen 2010.

Kala taggoodii labaad ayaa noqday midka ugu qaalisan xogta xilligaas la hayay,waxaana ay heshay lacag dhan $1 bilyan oo dollar.

  1. Bernie Ecclestone iyo Slavica Radić, 2009 — $1.2 billion
3. Bernie Ecclestone and Slavica Radić, 2009 — $1.2 billion
Bernie Ecclestone iyo Slavica Radić

Maamulaha Ciyaaraha loo yaqaan Formula one  Bernie Ecclestone,oo ka mid ah dadka ugu hantida badan Uk ayaa furay sanadkii 2009kii Gabadha Modelistada ah ee u dhalatay Croatia , laguna magacaabo Slavica Radić .

Waxaa loo xukumay lacag dhan $1.2Bilyan inkasta oo si rasmi ah aan loo baahin caddeynta lacagtaas.

  1. Rupert Murdoch iyo Anna Torv, 1999 — $1.7 billion
2. Rupert Murdoch and Anna Torv, 1999 — $1.7 billion
Rupert Murdoch iyo Anna Torv

Rupert Murdoch  iyo journalist Maria Torv,waxaa ay ahaayeen Wariyayaal is qabay 31 Sano,waxaa ay isu dhaleen saddex Carruur ah,Mardoch ayaa soo jeediyay in ay kala tagaan sanadkii 1998dii markaas oo uu shaqada ka fariisanayay ,waxaana furriinka uu furay xaaskiisii kaga baxday $1.7Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

Durba labadooda midba goonigiis ayuu u guursaday ,Murdoch waxaa uu guursaday Wendi Deng ,17 maalmood kaddib furriinka xaaskiisii hore,halka   Torv ay guursatay William Mann lix bil kaddib furriinkii ay ku heshay $1,7Bilyan oo doollarka Mareykanka ah.

  1. Alec Wildenstein iyo Jocelyn Wildenstein, 1999 — $3.8 billion
1. Alec Wildenstein and Jocelyn Wildenstein, 1999 — $3.8 billion
Alec Wildenstein iyo Jocelyn Wildenstein

Furriinka ugu qaalisan Adduunka ayaa dhacay sanadkii  1999, markaas oo Ganacsadaha French-American ka ah uu furay Gabadha ka ganacsatata Naqshadeynta  Jocelyn Wildenstein, taas oo ay wada noolaayeen 21 Sanadood.

Markii ugu horreysay Maxkamaadda waxaa ay u xukuntay  $2.5 billion ,waxaana la socotay in Sanad kasta uu bixiyo $1Milyan oo dollar muddo saddex iyo Toban Sano ah,waxaana isku dar lacagtii gaartay $3.8 Bilyan.

Isha:Businessinsider.com

W/Turjumay Adam Ibrahim Farah (Showqi)

Mustaqbal Radio