munaasabaddii kudhawaaqidda urur siyaasadeedka UPD, Okt-2018

Horraantii bisha Okt-2018  madaxweynihii hore ee Soomaaliya xildhibaan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 20 bilood kaddib markii looga guuleystay tartankii madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkii 2016 waxa uu uga dhawaaqay magaalada Muqdisho urur siyaasadeedka Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda (UPD), waxa uuna kanoqday guddoomiye.

Munaasabaddii daahfurka urur siyaasadeedka UPD waxa ka soo muuqday xildhibaano labada gole ee Baarlamanaka kamid ah, madaxda xisbiyo siyaasadeed oo haysta diiwaangelinta kmg ah ee xisbiyada siyaasadda iyo dadweyne badan.

Xildhibaano iyo madax katirsan xisbiyada Daljir iyo Wadajir ayaa kamid ahaa dadkii kaqaybgalay furitaanka ururka cusub iyaga oo sida muuqata ku biiraya ururka Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda, taas oo kadhigan in UPD ay kulmineyso siyaasiyiin aad u kala fogaa muddo dheer, sababtu iyo waxa kulminaya siyaasiyiintan waa  xaqiijinta damaca siyaasadeed ee kuwada jira oo ah in ay hoggaamiyaan ama kamid noqdaan laanta fulinta ee xukuumadda soosocota ama midda hadda jirta  oo ay qaarkood 2 sano kahor codsadeen in loo magacaabo wasiirka koowaad ee xukuumadda balse dardaaranka iyo talada ay bixiyeen siyaasiyiin kale  ayaa qayb kanoqotay in aan codsigoodu jawaab helin,  sidaas awgeedna  waxa uu madaxweyne Farmaajo u magaacaby xilkaas Feb-2017,  Raisalwasaare Xasan Cali Kheyre oo ah weji kucusb siyaasadda Soomaaliya.

Horraantii 2017, xubno katirsan xisbiga Daljir ayaa dadaal iyo xusulduub u galay in  xilka wasiirka koowaad loo magacaabo iyaga oo madaxweyne Farmaajo u geeyey Sooyaalkooda (CV) sida ay ilo kudhow xisbiga Daljir u sheegeen Mustaqbal waxa kamid ah xubnahaas: xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo xukuumaddii madaxweyne Shariif  Sh. Axmed ka soo qabtay xilalka kala ah agaasimaha hay’adda nabadsugidda iyo Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan, xilka Nabadsugidda  ayuu iska casilay Fiqi  March-2013.

Xildhibaan Abshir Maxamed Axmed Bukhaari guddoomiye kuxigeenka koowaad aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka oo katirsanaa xisbiga Daljir, waxa uu Abshir soo qabtay xilka Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya xilligii madaxweyne Shariif Sh. Axmed, waxa uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuulay in uu noqdo wasiirka koowaad ee xukuumadda sanadkii 2017

Xildhibaan Xasan Macalin Cali guddoomiyihii xisbiga Daljir oo isna soo noqday wasiiru-dowlaha madaxtooyada ee xilligii Sh. Shriif ayaa kamid ah xubaha xisbiga Daljir ee sida xooggan u raadiyey xilka wasiirka koowaad ee xukuumadda Nabad & Nolol.

Inkasta oo aanay qaarkood xaadirin munaasabaddii lagu dhisay midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda haddana waxa ay xagga dambe ka taagan yihiin sidii labada sano ee soosocota ay cadaadis isbeddel doon ah uu saari lahaayeen xukuumadda madaxweyne Farmaajo, taas oo ay ka rajo qabaan in isutagga mucaaradku uu saari karo culeys siyaasadeed, waxa kale oo ay kooxadani ka rajo qabaan in ay sameeyaan olole iyo isbahaysi kusaabsan sidii ay saameyn ugu yeelan lahaayeen go’aannada  Baarlamanaka, taas oo kamid ah meelaha ay kumuujin karaan cududooda siyaasadeed.

Xildhibaanada kale ee kahadlay ama muujiyey taageerada ay u hayaan urur siyaasadeedka midowga Nabadda & Dimoqraadiyadda waxa kamid ah xilhibaan Mahad Salaad oo isagu siyaasadda soo galay sanadkii 2012, xilligaas uu noqday xildhibaan iyo wasiiru-dowlaha madaxtooyada, waxa uu gacasaar iyo saaxiibtinimo weyn lalahaa madaxweyne Xasan Sheekh waxa uun akamid ahaa xubnihii muuqday ee  urur siyaasadeedka  Nabadda & horumarka (PDP) kaas oo uu madaxweyne Xasan Sheekh ku galay doorashadii 2012.

midowga Nabadda & Dimoqraadiyaddu hadda waxa uu ku xisaabtamayaa xildhibaano katirsan labada gole ee baarlamaanka kuwaas oo ay kamid yihiin

TT Magaca Xilka/ Hay’adda
1. Xasan sheikh Maxamuud Madaxweyne 2012-2016/ xildh, sharafeed
2. Xildh: Maxamuud C/raxmaan Beenebeene  Golaha shacabka
3. Xildh: Mahad Salad Maxamed Golaha shacabka/Wasiiru-dowle
4. Xildh: Axmed Macalin Fiqi NISA & Danjire
5. Xildh: Xasan Macalin Cali Golaha shacabka/ Wasiiru-dowle
6. Xildh: Saabir Nuur Shuuriye Golaha shacabka
7. Xildh: Aadan Maxamed Nuur  Madoobe Golaha shacabka, guddoomiye Baarlamaan
8. Xildh: Cabdullaahi Ismaaciil Fartaag Aqalka sare
9. Xildh Cabdullaahi Maxamed Nuur Golaha shacabka/ Wasiiru-dowle
10. Xildh: Iftiin Xasan Baasto Aqalka sare
11. Xildh: Muxudiin Sheekh Cali Aqalka sare
12. Xildh: Xuseen Sheekh Maxamuud Aqalka sare
13. Xildh: Amina Mohamed Abdi Golaha shacabka
14. Xildh: Dr  Elmi Mohamud Nur Golaha shacabka
15. Xildh: Cali Axmed Shariif Golaha shacabka
16. Xildh: Faaarax Sh. Cqaadir Golaha shacabka/ Wasiir hore
17. Xildh: C/raxmaan Xuseen Odawaa Golaha shacabka/ Wasiir hore
18. Xildh: Cabdifitaax Golaha shacabka

 

Midowga mucaaradka

Sida muuqata xisbiga Wadajir si cad ugama mid noqon Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda waxaase joogay munaasabaddii daahfruka UPD xubno kamid ah xisbiga Wadajir sida Kamaal Daahir Guutaale, sida ay Mustaqbal u sheegeen madax katirsan Wadajir ma jiraan wax weyn oo muujinaya in Wadajir ku biiray UPD, balse waxa jiray wadahadal aan mira dhalin oo u dhaxeeya UPD iyo Wajir.

Sida ay qabaan dad badan oo lafagura geedi socodka xisbiyeynta dowladnimada Soomaaliyeed midowga xisbiyada mucaaradku waxa uu u wanaagsan yahay xukuumadda Nabad & Nolol oo fahamsan in ay wajihi karto maareyn hal xisbi oo ay kuwada jiraan xisbiyo mucaarad ah halkii ay maareyn lahayd ama ay macaamil la sameyn lahayd  xisbiyo baan oo kala duwan, taasna waxa muujiyey sida ay xildhibaano muddo dheer mucaarad ku ahaa xukunkii madaxweyne Xasan Sheekh ay uga soo muuqdeen UPD, taas oo soo koobi doonta in ay u hadlaan sidii ay u hadli jireen UPD kahor.

Hoggaaminta UPD ee xildh: Xasan Sheekh!

Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynihii hore ee Soomaaliya waa madaxweynaha keli ah ee isaga oo xilka kamaqan 20 bilood oo qura dib u billaabay olole siyaasadeed oo ujeedkiisu yahay doorashada 2020 la filayo in ay kadhacdo Soomaaliya, waxaa maangal ah in taas ay sabab u tahay isbeddelka iyo koboca kusocda siyaasadda dowladnimada Soomaaliyeed oo hadda u socota nidaamka xisbiyada badan.

Waxa ay dad badan la tahay in abaabulka iyo ololaha xildh: Xasan Sheekh uu billaabay, dhismaha urur siyaasadeedkiisa UPD iyo mideynta mucaaradku ay tahay xilli hore iyo degdeg balse waxa uu sheegay in uusan sameyn wax kabadan xisbi siyaasadeed oo uu ku gelayo ciyaarta siyaasadda.

Haddaba midowga Daljir iyo UPD waxa uu kudhisan yahay xaqiijinta damac iyo han siyaasadeed oo ay u arkaan in uusan rumoobi karin haddii aanay yeelan isbaheysi taageero ku haysta Baarlamaanka federaalka iyo dowlad-goboleedyada.