Shirkan ay maanta yeesheen mas’uuliyiinta laamaha Amniga ee Puntland iyo kan Gobolka Bari ayaa looga hadlay howlgaladii ugu dambeeyay ee maalmahan ka socday magaalada Boosaaso.

Sidoo kale waxa ay ka hadleen hadal dhawaan kasoo baxay wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Puntland kaas oo ku sheegay in ciidamada badda iyo kuwa PSF-ta Puntland aysan ka amar qaadan madaxda Puntland.

Waxaa Goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse, Taliyaha ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax, Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo iyo sarkaal ka socday Ciidamada amniga Puntland ee PSF loosoo gaabiyo.

Ugu horeyn Taliyaha ciidanka PMPFTA Puntland iyo G/dhexe Cabdiqaadir Cali Xirsi oo ka socday Ciidamada amniga Puntland ee PSF ayaa hadalka wasiir Siciid Maxame Raage ku tilmaamay mid xaqiiqda ka fog oo uga been abuurtay Ciidamada iyo Saraakiishooda.

Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Yuusuf Maxamed Waceys Dhedo Ayaa dhankooda ka warbixiyay howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidamada amaanku ay ka fuliyeen Gudaha Magaaalada Boosaaso iyagoona sheegay in gacanta lagu soo dhigay dad ka ganacsanayay maandooriye gaar ahaan Khamri.

Mas’uuliyiintaan ayaa ugu dambeyn Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland ka dalbaday in uu Raaligelin ka bixiyo hadalkii uu horay u yiri in aysan mas’uuliyiinta ammaanka Puntland ka amar qaadan Ciidamada PSF-ta iyo PMPFTA.