Gelinkii dambe ee maanta waxaa kulan gaar ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiyada Joogtada.

Waxyaabaha looga hadlayay waxaa kamid ahaa in dib loosoo celiyo fadhiyada Golaha Shacabka oo 4-tii kulan ugu dambeeyay baaqday.

Sidoo kale in Khilaafka ka dhashay kala dirista Guddiga Maaliyadda Golaha shacabka la horgeeyo fadhiga guud ee Golaha si ay ugu go’aan gaaraan sida uu Xeer hoosaadka dhigayo.

Gudoomiye Mursal ayaa Habdhowrka iyo Guddiyada Joogtada ka dalbaday in dib loosoo celiyo fadhiyada Golaha Shacabka, lagana bilaabo berri.

Berri waxaa loo ballansan yahay Aqrinta 3-aad ee Hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka oo ay isku raaceen Guddiga Joogtada.

Warar hoose oo Mustaqbal heleyso waxa ay sheegayaan in kulanka uu ku jiro ka go’aan gaarista kala dirista Guddiga Maaliyadda iyo Xalinta Khilaafka ka dhex jira Guddigaas iyo Gudoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka.

Go’aanka ugu dambeeya ee Muranka ayaa la filayaa in uu soo baxo kolka Xildhibaanada la horgeeyo oo ay ku kala aragti duwan yihiin.

Gudoomiye Maxamed Mursal.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor

Xildhibaan Cosoble
Guddiyada Golaha Shacabka iyo Gudoomiye Mursal.
Xoghayaha Baarlamaanka Buux
Xildhibaano uu kamid yahay Khaalid Macoow.
Xildhibaan Sakariye.
Gudoomiye Mursal iyo Xabdhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Nuux.