Mas'uuliyiinta amniga.

Mas’uuliyiinta dhinaca Amniga ee Soomaaliya ayaa maanta hortagaya kulan gaar ah oo Golasha shacabka ay amniga dalka wax uga weydiinayaan mas’uuliyiinta ay quseyso.

Mas’uuliyiinta maanta hortagaya Golaha shacabka ayaa waxa aay kala yihiin Taliyayaasha Booliska, Miltariga, Nabad Sugidda iyo Asluubta, waxaa kale oo hortagaya Wasiirrada Amniga, Gaashaandhigga iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa ah mid ay albaabada u xiranyihiin, waxaana uu u dhaxeeyaa Laamaha amaanka iyo Golaha xeer dejinta dalka oo wax la iska weydiinayo amniga Muqdisho ee sii xumaanayay bilihii la soo dhaafay.

Fadhigii kan ka horreeyay ee dhacay Sabtigii Todobaadkii hore ayaa baaqday markii Golaha shacabka ay isku qabsadeen in saxaafadda ay kulanka joogto iyo in dibadda loo saaro.

Waxaana cod la geliyay soo baxday in dibadda loo saaro hayeeshee Xildhibaannada qaar ayaa sababay in kulanka uu baaqdo markii ay ku adkeysteen in aan saxaafadda la saarin.