Maxamuud Sarhan, daxiisaha kashifay arrinta u ekeysiinta Dameeraha caadiga ah Dameer Farowga

Carwo lagu xannaaneeyo Duur joogta oo ku taalla Magaalada Qaahira ayaa lagu eedeeyay in ay rinji mariso Dameeraha si ay ugu ekaadaan Dameer Farowga uguna mashquulaan dalxiisayaasha.

Mahmoud Sarhan, oo ka mid ahaa dadka booqday Carwada caalamiga ee Qaahira ayaa sawir ka qaaday Dameer loo ekeysiiyay  Dameer Faroow,waxaa uu soo geliyay Facebook kaddibna waxaa aad u qaatay hay’adaha u dooda xuquuqda xayawaanaadka.

Warbaahinta Gudaha Dalka Masar ayaa la xiriirtay Mohamed Sultan oo ah agaasimaha Carwada Qaahira ee Xawaannada,waxaa uu beeniyay in ay Dameeraha midabka Dameer Farowga mariyaan,waxaase uu ka gaabsaday in uu ka jawaabo su’aasha Idaacadda Nogoum FM, ee ahayd “ma waxaad qiyaameysaan Rukunkiinna?”.

2009kii Carwo ku taalla Magaalada Gaza ee Falastiin ayaa Dameer u ekeysiisay Dameer farow si ay ugu dhawaadaan Ciidanka Israel ee go’doonka ku haya Magaalada.

Sidoo kale 2012kii ayey isla sidaas sameeyeen,waxaa kale oo dhacdadan oo kale laga soo wariyay dalka China  sanadkii 2013kii Eey weyn u ekeysiiyay Libaaxyada Afrika kaddib markii ay mariyeen Rinjiga Midabka Libaaxa leh.