War kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Qaaraddaan Afrika ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah lagu duqeeyay Deegaanka Leego.

Waxaa lagu sheegay warka in duqeyntaan ay ahayd mid qorsheysan oo lagu taageerayay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo AMISOM, si looga hortago Al-Shabaab.

Africom warka lagu daabacay ayaa lagu sheegay in duqeyntaan ay dhacday shalay oo Talaado ahayd kuna beegneed 5-ta Febaraayo 2019.

Al-Shabaab oo lagu bartilmaameedsaday waxa ay Dowladda Mareykanka tilmaamtay in khasaare uu gaaray inkasta oo aan soo bandhigin.

Mareykanka ayaa 2016 ka fuliyay Soomaaliya 15 weerar, 2017 waxa uu geystay 35, iyadoo 2018 uu fuliyay 47 weerar, halka 2019 uu fuliyay 11 duqeyn.

Ciidamo lagu qiyaasay 500 oo Askari ayaa Mareykanka ka jooga Soomaaliya, kuwaas oo lagu sheegay in kaalintoodu tahay la talin iyo in ay caawiyaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya, halka lagu soo biirinayo 130 kale.

Al-Shabaab wali kama hadlin labadaan duqeyn oo Dowladda Mareykanka sheegatay in ay ka fuliyeen Deegaanada Dhanaane iyo Leego oo kawada tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

https://scontent-mrs1-1.xx.fbcdn.net/v/t1.15752-9/