Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo shalay ka geysteen Gobolka Shabeelaha Hoose in ay ku dileen Xubno katirsan Al-Shabab.

War ka soo baxay talis ciidamada Mareykanka ee Africa ee loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu sheegay in weerarka uu ka dhacay tuulo la yirahdo Garowle, waxaana ay weerarkaas fuliyeen 11-kii bishan oo shalay ahayd.

Taliska ayaa sheegay in duqeyntaas lagu dilay labo xubnood oo kamid ah Al-Shabaab isla markaana ay burburiyeen hal Mooto.

“Dadaalada sii socda iyo duqeeymaha lagu wiiqayo Al-Shabaab waxa ay qayb ka yihiin Istaraatiijiyadda Mareykanka uu ku taageerayo hiigsiga Soomaaliya ee leh horumar dhaqaale, Dowlad wanaag iyo hay’ado military oo xooggan” sidaas waxaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

“Waxaanu sii wadeynaa duqeeymaha aan la beegsaneyno qaybaha kala duwan ee hogaanka al-Shabaab, Duqeymahan sugan waxa ay qayb ka qaadanayaan burburka hogaanka Al-Shabaab, sidaas waxaa qoraalka AFRICOM ka soo baxay ku sheegay Maj. Gen. Gregg Olson, oo ah madaxa howlgaladda ee AFRICOM.

Talaadadii isla todobaadkaan Mareykanka ayaa duqeyn cirka ah ka geystay deegaan ku dhaw Degmada Jilib Gobolka Jubada Dhexe, AFRICOM ayaa sheegay in ay ku dileen xubno katirsan Al-Shabaab oo ahaa Bartilmaameedkii Weerarkaas.