Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in duqeyn 48-dii saac ee lasoo dhaafay ka geysatay Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dishay Xubno katirsan Al-Shabaab.

War kasoo baxay Taliska Mareykanka Qaaradda Afrika ee loosoo gaabiyo Africom ayaa lagu sheegay in duqeyntan oo ka dhacay Deegaanka Bariire shalay oo ku beegneed 7-da bisha ay ku dileen Xubno katirsan Al-Shabaab.

Duqeynta ayay ku sheegeen in ay ku garabsiinayeen Dowladda Federaalka, loogana hortagayay Xarakada Al-Shabaab.

Maj. Gen. Gregg Olson oo ah Madaxa Howlgalkaan ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan Weerarada Cirka ah oo uu sheegay in ay ku taageerayaan Ciidamada Dowladda iyo AMISOM.

Waxa uu intaa raaciyay in aan jirin waxyeelo gaartay Dadka shacabka ah ee Deegaanada la duqeeyay inta uu socday howlgalka.

Weerarada oo kala dhacay Maalmo is xig-xigay waxa uu kan koowaad ayaa ka dhacday Deegaanka Gandarshe ee Gobolka Shabeelaha Hoose 6-dii Bishaan Febaarayo, Taliska ayaa sheegay in ay ku dileen 11 Xubnood oo katirsan Al-Shabaab, halka Duqeynta labaad ay dhacday 7-dii Febaraayo oo shalay ahayd uu AFRICOM sheegay in ay ku dileen 4-xubnood oo Al-Shabaab ah.

Waa duqeyntii 13-aad oo ay Ciidamada Mareykanka ka geysteen Soomaaliya sanadkaan 2019-ka oo 38-maalmood laga joogo markii uu curtay sanadka.