Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa war ka soo saaray duqeyn 28kii Bishii hore ay ka geysteen Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya..

Duqeynta ayuu Mareykanku sheegay in ay ku dhinteen 26 ka mid ah AL-shabaab, sidoo kalena aysan jirin waxyeello soo gaartay dadka rayidka ah.

Mareykanka ayaa war kooda ku sheegay in weerarkani uu qeyb ka ahaa kuwa la doonayo in hoos loogu dhigo weerarrada Al-shabaab ee ka dhanka ah dowladda Mareykanka.

Xilliga Weerarkaasi ay Mareykanka ka fuliyeen Gobolka Hiiraan koox ka tirsan Al-shabab ayaa weerar ku qaaday Hoteello ku yaalla Magaalada Muqdisho.